Xog Xasaasi ah: Wakiilo matalaya itoobiya oo Kacdoon lagu difaacayo Xukuumada Somalia ka wada Muqdisho….

illo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay u hanjabtay xildhibaannada mooshinka ka wada xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Xogta maanta ayaa sheegeysa in xildhibaannadan qaarkood looga wacay safaaradda Itoobiya ku leedahay Muqdisho, lagalana hadlay arrinta mooshinka.

Waxaa loo sheegay in si shuruud la’aan ah u joojiyaan mooshinkaasi, haddii kale loo aqoonsan doono iney yihiin qaswadayaal Soomaaliyeed.

Xildhibaannada mooshinka wada hadda waxaa soo wajahay cabsi aad u daran, mana yaqaanaan sida ay wax ka yeello doonaan balse xubno uu hor kacayo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku adkeysana in mooshinkaasi aysan ka laaban doonin.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad