Xog & Sawiro: Yaa lala eegtay Qaraxa Baabuur ee Goordhaw ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama Muqdisho….

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa qarax gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka gaar ahaan ka soo horjeedka Hotel Wehliye ee dhanka degmada Waaberi.

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo la sheegay in la soo dhigay goobta.

Qaraxa kadib Ciidamada ammaanka oo markii horeba la sheegay in ay hayeen xogta gaariga oo goobta soo gaaray ayaa afarta jiho rasaas u diray, iyaga oo durbadiiba xiray wadada.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in ay ku dhinteen ilaa 4-qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur xoogan oo soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ka akdhow.

Shaqaalaha gobolka Banaadir u qaabilsan qeybta Nadaafadda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howlo nadaafadeed, si ay u soo celiyaan bilicdii wadada.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay tahay goob aad u camiran, maadaama ay ka furan yihiin goobo ganacsi, kana soo horjeeda hotelka wehliye waxaana xilliyadii galabkii soo fariista dad aad u fara badan oo goobtaasi ku shaaheeya una badan Shacab waxaana uu qata in qaraxa loo qorsheeyay in shacabka lagu laayo sida dhacday Marar badan.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad