(Xog Muuqaal):-Maxay tahay sababta keentay inay aqalka sare joojiyaan ka hadalka Arinta Qalbi Dhagax…

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in dib loo dhigay ka doodista iyo go’aan ka gaarida Kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax.

Xubnaha qaar ayaa soo jeediyay in Ajandaha laga saaray Kiiskaan oo dib loo dhigo, waxa ayna golaha soo hordhigeen Mooshin ay ku dalbanaya in dib loo dhigo ka doodista kiiskan.

Golaha ayaa isku raacay in Ajandaha laga saaro kiiskan dibna loo dhigo, 21 Xildhibaan ayaa u codeeyay in kiiskan dib loo dhigo, 11 ayaa ka soo horjeestay oo diiday halka 4 Xildhibaan ay ka aamuseen.

Haddaba waxaa is waydiin mudan sababta keentay inay aqalka sare kiiskaan dib u dhigaan, maadaama qorshuhu ahaa inay maanta ka hadlaan.

Sida Sharciga ah Aqalka sare ayaa loo ogol yahay inuu Kiisaska noocaan oo kale ah ka hadlo marka ay go’aan soo saaraan aqalka hoose.

Maadaama uusan weli aqalka hoose go’aanka kasoo saarin kiiskaan, wuxuu sharciga faray aqalka sare inay ka aamusaan inta ay ka arkayaan go’aanka kasoo baxayo Baarlamaanka Soomaaliya oo la filayo inay deg deg uga fadhiistaan.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka;-


Kaliya aqalka sare wuxuu doodaha noocaan oo kale ah aqalka hoose uga hormari karaa marka uu kiiska ku saabsan yahay Maamul Goboleedyada, sidaas darteed halkaas xaalad oo kaliya ayaa loo ogol yahay inuu aqalka sare ka hor maro aqalka hoose.

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad