(Xog Muhiim ah);-Ma Dhabaa In uu Xariirka ka Dhaxeeyo Ururka Shabaab Iyo Maamulka DF ee Gobalka Sh/hoose

Xilli dhawaan Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Genaraal C0abdulaahi Cali Caanood uu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ay la sahqeeyaan Al-shabaab ayaa waxaa eedeeyntaasi iska fogeeyay maamulka gobolkaasi.

Cali Nuur Maxmed gudoomiye ku xigeenka Amniga dhinaca Amniga ee Shabeelaha Hoose oo ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid katirsan maamulkooda oo la shaqeysa Al-shabaab basle taas hadii ay jirto oo uu ogyahay Amaan duulaha Ay habooneyd in uu soo sheego kahor inta uusan warbhiinta la wadaagin sida uu hadalka u dhigay.

Mar Warbaahinta ay gudoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ay weeydiisay mar hadii taliskii ciidanka xooga dalka ay eedeeyn u jeediyeen Maamulkooda iyaguna ay iska fogeeyeen sida ay iskula shaqeynayaan ayaa Waxaa uu ku jawaabaabay in Aysan jirin Howlgalo muuqda oo Amaan Duulaha Ciidanka ka sameeyo shabeelaha hoose ,

Xoreynta deegaanada shabeelaha Hoose ay shabab kaga suganyihiin ayuuna tilmamay in loo baahanyahay hogaan wanaagsan ooh or kaca ciidanka xooga sida uu sheegay.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad