Xog: Gudoomiye Jawaari oo ku biiray Ololaha Mooshinka Xilka looga Tuurayo RW kheyre…

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dab ku shidaya mooshinka ka dhanka ah Xasan Cali Kheyre, isaga oo doonaya in meesha uu ka baxo Ra’iisul wasaaraha.

Xog lagu kalsoonaan karo ayaa sheegeysa in Jawaari uu xalay si hoose ula kulmay xildhibaanno ka badan 50, kuwaasi oo uu ku qancinayey iney mooshinkaan ku biiraan.

Wuxuu aad u daneynayaa in meesha laga saaro Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dantiisuna waa inuu helo shaqsi ay isku dhow yihiin oo xilkaasi qabta.

Markii Kheyre uu soo dhisayey golahiisa wasiirada waxaa is hortaag ku sameeyay Jawaari hase ahaatee taasi waa ay socon weysay.

Baarlamaanka ayaa laga sugayaa waxa uu ka yeelo mooshinka loo geeyey guddoonka, kana dhanka ah Kheyre.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)