Xog Dhageyso: Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle oo loo la’yahay Musharaxiin….

Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle ayaa sheegay in uusan ilaa hadda Murashax Madaxweyne oo iska diiwaan giliyay Xarunta Gudiga ee ku taalla magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle

Waqtiga loo balansan yahay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku beegan 14 Bishaan oo ay ka dhimantay 10 maalmood oo kaliya ayaa gudiga doorashada waxay sheegayaan in uusan jirin ilaa hada murashax iska diiwaan giliyay tartanka loo galayo Madaxtinimada Maamulkaasi Hirshabeelle kadib markii xilka laga qaaday.

Halkan hoose ka dhageyso  codka

Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Murashaxiin Boorar ku dhagsaday Magaalada Jowhar balse ilaa hada aan iska diiwaan gilinta Xarunta gudiga.

Ugu danbeyntii gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhamaan Murashaxiinta in ay si deg deg ah isku diiwaan giliyaan mudada yar ee ka harsan waqtiga doorashada si loogu helo waqti lagu aqriyo Documents-kooda in uu raacsan yahay Sharuudaha doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

 

Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)