Wasaaradda Amniga oo Muqdisho ku qabatay shir amniga ku saabsan

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay shir ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, kaasi oo loogu magac daray shirka Wadatashiga Guddiga Amniga Baarlamaanka iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ee kor kala socoshada howlaha Booliska (Police Oversight).

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Guddiga Amniga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Amniga iyo saraakiisha Ciidamada Booliska.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa in Hay’adaha amniga lagula xisaabtamo mararka ay dhacaan falalka lidiga ku ah amniga, si ay u dhalato wadashaqeyn dhab ah, guulana looga gaaro arrimaha amniga.

Xildhibaan ahaan Saddex masuuliyad ayaa na saaran oo kala ah inaan matalno shacabka, inaan la xisaabtano Hay’adaha fulinta iyo inaan sharci dejintii aan nahay, sidaasi darteed waa inaan ka wada shaqeynaa sidii shacabka iyo Hay’adaha ay u wada shaqeyn lahaayeen.” Ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo ka tirsan Guddiga Amniga Baarlamaanka.

General Axmed Dayib (Dhego-caleen) iyo Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali Jaamac ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo, waxayna shacabka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.

 

 

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad