Wararkii Ugu Dambeeyey DF oo Sheegtay in La Dilay Madaxii Tababarada Kooxda Al-shabaab iyo Sargaal Shaaciyey…

Ciidamada kumaandooska soomaaliya ayaa dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab kadib howlgal gaar ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolka shabellaha hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ciidamada kumaandooska soomaaliya ay ku daba jireen in mudo ah

Saraarkiisha lagu dilay deegaanka buulo mareer waxaa ka mid ahaa Zubeyr Almuhaajir,oo ahaa sarkaalkii Tababarada Xarakadda Al-shabaab iyo Macalin Cumar .

Zubeyr Almuhaajir, waxa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa saraakiisha Ajaanibta KooxdaAl-shabaab ka bar bar dagaalanta Mudo Fara Badan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhismasha Labada sarkaal oo Mudaba ay ku Raad Joogeen.

Sido kale Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen Zubeyr Almuhaajir uu ahaa Madaxii Tababarada Xarakadda Al-shabaab Waxa uuna Mudo ahaa Tababarahooda.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad