(War Xasaasi ah):-Wadooyin Badan Oo Maanta XiranMuqdisho Iyo Warar Sheegay in ay Arintani Sababtey..

Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay xirey qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ee Magaaladda caasimada ah ee muqdisho .

Shacabka muqdisho ayaa sakay kusoo toosay Ciidamadda amaanka dowladda oo gabi ahaanba xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, kuwaa oo u diidayay gaadiidka iney maraan Isgoysyada.

Sido kale waxaa ganacsatada ay maalayeen cagtooda kuwaa oo aadayay goobahooda ganacsi maadaama aynan jirin gadiidka PL-ka loo yaqaan oo ka shaqeynaya wadooyinka muhiimka ee magaalada muqdisho.

Qaar kamid ah ganacsata muqdisho ayaa Idaacada Simaba u sheegayay iney saakay xiran yihiin Isgoysyada Tarabuunka ilaa iyo Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan iyo wadooyin kale o gala aagaga madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Isgoysyadaan waxaa lagu arkayaa ciidamadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed, iyo kuwa Booliska oo shacabka iyo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas.

Sababta loo xirey Wadooyinkaan ayaa loo badinayaan shirka Golaha Amniga qaranka oo maanta lagu wado in lagu soo gaba gabeeyo magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya. halka wararka qaar ay sheegayaan in loo xiray dabaal gada hal sanokadib doorashadii Farmaajo.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad