War Xasaasi ah Qaramada Midoobe oo Wadamada Carabta Ku Canaanatay Qaxootiga Carabta…

Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobe ayaa wadamada Carabta ugu baaqay in Dhaqaale ay siiyaan Qaxootiga kasoo jeeda Wadamada Carabta.

Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Bulshada ee loosoo gaabiyo (ECOSOC) ayaa wadamada Carabta ka dalbatay in ay gurmad u sameeyaan dadka carabta ah ee ka barakacaya dalalkooda, dhaqaalane ay ku taageeraan wadamada magan-gelinaya.

Kulan ay ku yeesheen ayey ku dalbadeen in dadka qaxootiga ah laga caawiyo dib ugu celinta dalalkooda, kafaalo-qaadka Noloshooda iyo hormarinta adeegyada bulsheed oo ay u baahan yihiin.

Wadamada hay’addu ay soo hadal qaaday ayaa kala ah:- Siiriya, Soomaaliya, Yemen iyo Liibiya, dhamaan dadkaasi waxa ay sheegtay hay’addu in ay yihiin gurmad sugayaal.

Warbixinta hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Bulshada ee (ECOSOC) ayaa lagu sheegay in qorshe dhaqaaleed laga rabo wadamada Carabta ee dhaqaalaha heysta.

Qorshahaasi ayey sheegeen in uu ku eg yahay sanadka soo socda 2019-ka in guud ahaan ay hubaan in gurmad sugayaasha ay helaan waxyaabaha ay Sugayaan.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad