(War Cusub);-Dalalka Qatar iyo Sacuudiga Oo Ku Fashilmay Loolankoodii Soomaaliya iyo Arin Lama Filaan..

Dawlada Turkiga ayaa dooneysa inay Kala dhantaal ku rido Damaca Dawladaha Khaliijka iyo Qatar ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Safaarada Turkiga Kaga Furan Muqdisho ayaa Madaxdooda waxay bilaabeen rikaato gelin Mashaariic la sheegay in Qatar ay ka fulin rabto Soomaaliya.

Shabkada Badweyn.com ayaa si hoose ku heshay Xog ah in Duqa Muqdisho Eng. Yariisoow laga dhaadhicinayo joojinta Mashaariicda Qatar ay fulin rabto.

Turkiga oo soo galay Soomaaliya 2011-kii ayaa doonaya in Booska Qatar,Sacuudiga,Imaaraat-ka iyo kuwa kale ee kudaba feylan uu booska ka saaro isna uu qaato Qandaraaskaasi.

Qatar ayaa Sanadkii hore dhamaadkiisii Heshiis ay Dawlada la gashay waxa uu ahaa mid Lagu dhisayo Jidad iyo Mashaariicyo la fulinayo taasi oo sanadkaan 2018 la qorsheeyey in la guda galo.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad