(War Cusub);-Ciyaaryahan hore Haji Diyuuf oo Shaaciyey In uu Tartamayo Xilka Madaxtinimada Dalka..

 

Ciyaaryahankii hore ee Kooxaha Bolton iyo Liverpool Al Xaaji Diyuuf ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka Madaxweynaha Dalka Senegal ee Qaaraddan Afrika.

Diyuuf ayaa sheegay in uu waxbadan kala socdo siyaasadda,dad badan oo reer Senegal ahna ay dhegeysanayaan sida uu yiri taasina ay ku kaliftay in uu tartamo Xilka Madaxtimada Dalkaasi.

Ninkan oo 37 jir ah kuna dhashay Magaalada Dhakar ee Caasimadda Dalka Senegal ayaa sheegay in uu waxbadan oo hoggaamineed ku dhexmartay kubadda Cagta,haddana doonayo in uu la tago Siyaasadda sidaga oo uga faa’deysanaya dadkiisa.

Diyuuf ayaa 12 Sanadood ka ciyaarayay horyaalka Dalka Ingiriiska waxaana uu u soo ciyaaray kooxaha kala ah; Liverpool, Sunderland, Bolton, Blackburn, Rangers iyo Leeds.

Diyuuf ayaa u muuqda mid saaran waddada Laacibkii hore ee Kooxaha Cheslea,PSG iyo Milan ee George Weah kaas oo dhawaan noqday Madaxweynaha Dalka Liberia ee Qaaraddan Afrika,iyada oo ciyaartooyda Afrika ee gelaya siyaasadda ay sare u kacayaan hadda.

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad