Waqtiga Uu Furmayo Kalfadhiga Golaha Shacabka Oo Lagu Dhawaaqay

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Maalinta Sabtida uu furmayo kulamada Baarlamaanka, si loo sii dar dargeliyo howlaha Golaha horyaalla

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Buux oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in maalinka Sabtida ee soo aadan uu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa ka daldabay Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka inay soo xaadiraan kulanka Khamiista soo socoto oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad