Tirada Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Iskooda Ugu Soo Laabanaya Dalka Oo Sii Kordhaya

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay 72,000 oo qof oo Somali ah iskooda ugu soo laabteen dalkooda hooyo, tan iyo markii uu bilowday Dib-u-celinta aan khasabka ahayn bishii December 8-dii ee sannadkii 2014-kii.

70,202 ka mid ah Qaxootigaasi waxay ka soo baxeen Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya, halka 1,899 kalena ka yimaadeen Xeradda Kakuma oo ku taalla W/galbeed Kenya iyo kuwo ku sugnaa magaalladda Nairobi.

UNHCR waxay kaloo sheegtay inay haatan is-diiwaan geliyeen 17.478 Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo doonaya inay si iskooda ah ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)