Shiikh Shaakir oo Si Kulul Ugu Hadlay Dagaalada ka dhaca Balanbal iyo Shacabka Ku Nool Gobolka…

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xildibaano katirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug oo ka qeyb galay gogol lagu heshiisiinaye Beelo ku dagaalamay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.

Shiikh Shaakir ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka qeyb qaadanayaan sidii ay odoyaasha dhaqanka kala shaqeyn lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan dadka ay u arkaan in ay dib u hurinayaan Colaadii laga heshiiyey.

Odoyaasha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayuu sheegtay in looga baahan yahay in doorka ay ka qaataan, Gogosha lagu heshiisiiyey beelahaasi ay soo martay Marxalado kala duwan, laguna bixiyey Waqti iyo dadaal dheeraad ah.

Kala qub-qubnaanta ayuu sheegay in aysan wanaagsaneen, waxa uuna tilmaamay in rajadoodu tahay in laga gudbo caqabadaha ka dhasha colaad beeleedyada.

Waa uu sii hadlay waxa uuna tilmaamay in Maamulka Galmudug oo uu ka yahay Madaxa Xukuumadda iyo Dowladda Federaalka oo ay Wakiil ugu yihiin Gobolka ay dhexda u xiran doonaan sidii looga shaqeyn lahaa in aanan dib usoo laaban dagaalo Beeleedyo kale.

Maamulka Galmudug ayaa kulamo lagu heshiisiinayo Beelo ku dagaalamay Degmooyin iyo Deegaano katirsan Gobolka Galgaduud ka wada deegaanadii ay ku dagaalameen.

Waxaana xubnaha dib u heshiisiinta wada qeyb ka ah Xildhibaano katirsan Labada gole ee Dowladda Federaalka oo deegaan ahaan Galmudug kasoo jeeda, maadaama ay ku jiraan Fasaxooda.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad