Sawirro:-Dowladda Denmark Oo Qalab Xafiiseed Ugu Deeqday Boliska Gobalka Banaadir

Christine Alalo, the Deputy Police Commissioner of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) hands over office equipment donated by AMISOM to the Somali Police Force in Mogadishu, Somalia on September 18, 2017. AMISOM Photo / Mohamed Haji

Taliye-xigeenka Boliska AMISOM, Ms. Christine Alalo waxay ku wareejisay Taliyaha Boliska Gobalka Banaadir, Jeneral Axmed Xasan Maalin.qalabka ay Dowladda Denmark ugu deeqday Boliska Gobalka Banaadir.

Qalabkaasi ayaa ka koobnaa Qalab Xafiiseed, Kombiyuutaro, Qalabka Daabacaadda. Armaajooyin iyo Nalalka iyo Tooshashka ku shaqeeya Ilayska Qorraxda (Solar Lamps).

Qalabkaasi ayaa la sheegay in loo qeybin doono Saldhigyadda Boliska ee ku yaalla magaalladda Muqdisho

Madaxa Loojistikadda ee Ciiddanka Boliska Somalia, Jeneral Cumar Maxamed Xasan ayaa ka mahadceliyey Deeqdaasi, wuxuuna sheegay inay Boliska ka bixi doonaan baahida ay u qabeen Kombiyuutaro, maadaama Saldhigyada Boliska haatan laga isticmaalo Makiinadaha Qoraalka ee Xilli hore laga isticmaali jirey Caalamka.

Waxa kale oo uu xusay inay Saldhigyadda Boliska Gobalka Banaadir ka bixi doonaan Kharajka Korantada, maadaama loogu deeqay Nalalka iyo Tooshashka ku shaqeeya ilayska Qorraxda ee Solarka.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad