Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Dowladda Isku Soo Dhiibay

Taliska Xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in uu isku soo dhiibay mid ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab, kaas oo ay ku sheegeen in uu ka howlgeli jiray Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac) ayaa sheegay in C/casiis Xasan Heybe, uu Al-Shabaab u qaabilsanaa qarxyada uuna ka howlgeli jiray degmada Baraaw\

“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan oo ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”, Ayuu yiri Taliye Turbac.

liska Guutada 9,aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya ayaa ninkaan haatan Gacanta ku haya, kaas oo da’diisa lagu qiyaasay 25-30 jir.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa horay waxa uu u sheegay in cidkasta oo ka tirsan Al-Shabaab ee dowladda soomaaliya isku soo dhiibta la cafin doono.

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad