Maxkamada Ugu Sareysa kenya oo burisay natiijadii doorashada madaxweynenimo.

Maxkamada Supreme Court ayaa burisay dib u soo doorashadii dhawaan lagu dhawaaqay ee Madaxweyne Uhuru. Lix garsoore oo dhagaysanaayay dacwada la xiriidha doorashada maalmihii lasoo dhaafay ayaa maanta kusoo gunaanaday in guddiga doorashadu uu ka baaqsaday inuu doorashadaa u qabto si waafaqsan Dastuurka dalka iyo Qodobka Doorashooyinka.

“Doorasho maahan dhacdo ee waa hannaan. Markii aanu qaddarinay isku darka guud ahaan caddeynta, waxaanu ku qanacnay in doorashada aan loo samayn sida Dastuurka iyo mabaadiida ku taxaluqa ay qabaan.” Sidaa waxaa yiri garyaqaanka dalka Kenya  ugu sareeya ee David Maraga.

“Madaxweyne Uhuru Kenyatta si sax ah looma dooran sideedii Agoosto”. Intaana waa uu raaciyay David Maraga.

Garsooreyaasha kala ah Ojwang iyo Njoki Ndung’u ayaa fikir kaa ka duwan mar dambe sheegay ayagu.

Garsoore Mohammed Ibrahim oo 7 ku ahaa garsooreyaasha bilowgi iyo qeybihii hore ee dhagaysiga dacwada ayaa asagu xanuunsday labo maalmood ka hor isbitaalna iminka kujira.

Maxkamada Supreme Court ayaa go’aankaa adag qaadatay kuna amartay guddiga doorashada ee IEBC inuu qabto mar kale doorashada madaxweynenimo oo ku celis ah muddo 60 maalmood ah gudahood ayadoo guddiga  doorashada   looga baahan yahay inuu muujiyo taxadar una qabto doorashadaa si sharciga waafaqsan oo aan daldalool lahayn.

 

 

 

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)