Maxaad Kala Socotaa Qaabka u Dhacay Dilkii Loo Geystay Kaaliye Maxkamadeed Xili uu Ku Sugnaa Dagmada..

Koox Hubeysan ayaa xalay Degmada Wanlla weyn ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dishay Kaaliyahii Maxkamadda Degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Ninka kaaliyaha ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Jacfar Cabdi,waxaana uu 35 Sano kaaliye Maxkamadeed ka ahaa Magaalada Wanllaweyn.

Guddoomiye ku xigeenka AMniga iyo Siyaasadda Degmada Wanllaweyn Maxamed Cabdullahi Cumar,ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ninka la dilay ay weerar ku qaadeen gurigiisa Afar Nin oo hubeysan.

Ragga dilka geystay ayuu sheegay in ay wateen Hubka fud fud sida AK47 labo Qori ah iyo Labo Baskooladood,iyaga oo Ninka rasaas ku dilay kaddibna isaga baxsaday Goobta.

Ciidanka amaanka ee Degmada Wanllaweyn ayuu sheegay in kaddib dilka Kaaliyaha ay howlgal ka sameeyeen Xaafadda uu dilka ka dhacay ee Magaaladaas hayeeshee ilaa hadda aysan jirin cid ay u soo qabteen.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad