Mareykanka oo sheegay in Duqeyn uu ku dilay Dagaalyahano Shabaab ah

Mareykanka ayaa sheegay Diyaarad Drone ah oo uu leeyahay in weerar Duqeyn ah ay ka geysatay meel ka mid ah gobolka Baay, halkaasi oo uu sheegay in uu ku dilay Saddex ka tirsan ururka Al-Shabaab.

War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu dhacay subaxnimadii Talaadadii shalay.

Anthony Falvo oo ah Afhayeen u hadlay AFRICOM, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah, balse keliya la beegsaday saldhig Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay Anthony Falvo in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda, laakiin ay socdaan baaritaanada la xiriira arrimahaasi.

Waxa uu sheegay Dagaalyahanada la beegsaday in ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab

 

 

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad