Madaxweynaha Puntland Oo Maamul Cusub U Magacaabaya Gobolka Karkaar

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Magacaabo gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee deegaanada Puntland.

Mudane gaas, oo weli ku maqan Xajka ayaa markii uu dib ugu soo laabto Puntland la qorsheynayaa in uu Maamul Cusub u Magacaabo gobolka Karkaar kaidb markii gudoomiyihii Gobolkaas loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Dad badan oo doonaya in ay noqdaan gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa la sheegay in ay gudbiyeen Codsiyo kala duwan balse waxaa la sheegay in Cabduweli Gaas, uu iminka Gacanta ku hayo ruuxii uu Magacaabi lahaa.

Ilo Wareedyo ku dhow Madaxtooyada Puntland ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in talaabada Koowaad ee uu Cabduweli Gaas qaado markii uu ka yimaado dalka Sacuudiga ay noqon doonto Magacaabistaas

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad