Maamulka Jubbaland Oo Ka Hadlay Weerarada Al-Shabaab Ka Geysanayaan Gobolka Gedo

Madaxda ugu sareysa Maamulka Jubbaland ayaa ka hadashay dagaalada isdaba jooga ah ee Al-Shabaab ay Maalmihii la soo dhaafay ku qaadayaan deeganada ka tirsan gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ee weeraarada ka geysanaya Gedo ay yihiin kuwo ay ka soo aruuriyeen qeybaha kala ee Gobolada dalka .

Waxa uu sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa kale ee caawinaya ee Amisom ay haatan galeen difaac adag oo ay uga hortagayaan weerada kaga imaanaya dhanka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya xili saakay aroortii ay Al-Shabaab weerareen degmada Ceel Waaq ee isla Gobolkaasi Gedo, iyaga oo sheegtay in ay la wareegeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku sugan degmada Balad Xaawo isaga oo kulamo looga hadlayo dhanka amniga la leh Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad