(Kashifaad Culus): Dekada Kismaayo Oo Xiliyada Habeenkii ay Ka Socdaan Arin aysan Ka Warqabin Shacabka..

Todobaadyadii la soo dhaafey ayaa waxaa Dekeda Kismaayo lagu arkay gaardiid fara badan oo sida dhuxul laga keeney deegaanada Jubbooyinka, kuwaasoo laga dhoofinayay Dekeda.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga habeenkii Dekeda qaab qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusho, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan.

Maamulka Jubbaland ayaa la ogaaday in dhaqaale fara badan ay ka helaan dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah oo horay loo mamnuucay.

Dhuxusha laga daabulayo Dekeda Kismaayo ayaa loo dhoofiyaa dalal ku yaalla Qaarada Aasiya, oo si suuq madow ahaan loo geliyo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanado ka hor mamnuucay in Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxusha, si loo ilaaliyo nabaad guurka dhirta.

Dowladda Federaalka oo horay u mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta ayaa wali ka hadlin dhoofinta dhuxusha ee ka socota Kismaayo.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad