Jilaaga Amitabh Bachchan Oo Noqday Ninka Ugu Taageeraha Badan Twitter-Ka

Jilaaga sare ee ugu caansan Shirkadda Filimadda Bollyhood ee dalka Hindiya, Amitabh Bachchan oo ay dadka Soomaalida ku naanaysaan “Cali Dheere” ayaa la shaaciyey inuu yahay Jilaaga ugu taageeradda badan Baraha Bulshadda, gaar ahaan Barta Twitter-ka.

Amitabh Bachchan oo 74-jir ah waxa uu noqday Jillaaga ugu taageeradda badan

Haddaynu eegno Shaxda Jilayaasha Hindida ee Taageeradda ku leh Barta Twitterka, waxay u kala horreeyaan sidatan:

1- Amitabh Bachchan oo leh 28 million oo ay ku saaxiibeen Twitterka.

2-Shah Rukh Khan oo leh 27.6 million oo ay ku saaxiibeen Twitterka.

3-Salman Khan oo leh 25.1 million oo ay ku saaxiibeen Twitterka.

4-Aamir Khan  oo leh taageerayaal dhan 21.8 million oo qof.

5- Priyanka Chopra oo leh taageerayaal dhan 18.9 million oo qof.

6-Deepika Padukone oo leh taageerayaal dhan 20 million.oo qof.

Si kastaba ha ahaatee, Amitabh Bachchan  oo deggan magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya waxa uu Cinwaan (@SrBachchan) ku yeeshay Barta Twitter-ka bishii May ee sannadkii 2010-kii.u dhashay dalka Hindiya.

Si kastaba ha ahaatee, Amitabh Bachchan  oo deggan magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya waxa uu Cinwaan (@SrBachchan) ku yeeshay Barta Twitter-ka bishii May ee sannadkii 2010-kii.

 

 

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)