Jabhadda Rohingya oo xabbada joojisay

Jabhadda Muslimiinta Rohingya ee ka dagaallanta gudaha dalka Myanmar ayaa iskeed ugu dhawaaqday xabbad joojin dhaqangalaysa Axada maanta ah, si gargaar bani’aadannimo loo  gaarsiiyo galbeedka fog ee dalkaasi.

Jabhaddaasi ayaa ugu baaqday ciidamada la dagaallamaya ee dowladda Myanmar inay qaataan go’aan kaa la mid ah.

Jabhadda oo lagu magacaabo Arakan Rohingya Salvation Arm ayaa laba todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar, waxaana sidaa ku bilowday colaadda hadda ka taagay gobolka Rakhine.

Colaaddaasi ayaa dhalisay in dad ku dhaw saddex boqol oo kun oo qof oo ah Rohingya ay u barakacaan dalka Bangladesh, waxaana ciidamada dowladda iyo kooxo taageersan lagu eedeeyay barakicinta qowmiyaddaasi.

Jabhadda ayaa ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay kaalmeeyaan dhammaan dadka ku nool deegaannada ay colaaddu saamaysay, ayagoo aan u eegeyn qowmiyad ama diinta ay aaminsan yihiin.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)