Howlgal Maanta Ka Socda Xaafado Ka Tirsan Magaalada Boosaaso

Maanta Ciidamada Booliiska Gobolka Bari ayaa waxa ay howlgallo dhanka amniga ah ka wadaan gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib markii ay fashiliyeen qarax gelinkii dambe talaadadii shalay.

Howlgalkaan ayaa ciidamadu waxa ay ka sameynayaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso, Goobaha Ganacsiga iyo sidoo kale Gaadiidka dadweynaha

Weli ma jirto dad lagu soo qabtay howlgalkaas, balse ciidamada ayaa Guri Guri u baaraya waxaana dadka qaarkood lagu amrayaa in ay Guryahooda ku xaroodaan.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad