: Garsoorayaal badan oo shaqada laga eryay

llaa 18 xaakim ayaa shaqada laga eryay magaalada Muqdisho wax lagu tilmaamay isbadal lagu samaynayo garsoorka dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa wareegto uu saaray shaqada kaga eryay 18-ka garsoore oo dhammaantood ka shaqeeya maxkamadaha gobolka Banaadir iyo degmooyinka uu gobolkaas ka koobanyahay.

Guddoomiye Ibraahim Iidle ayaa xilka maxkamadda sare loo magacaabay bishii May ee sanadkii 2016-kii, waxaana xilkaasi u magacaabay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo badalay guddoomiyihii mudada dheer xilkaas soo hayay ee Abukaate Caydiid Ilka Xanaf.

Tan iyo xiligaas waxaa la sheegay in guddoomiyaha uu qiimayn ku hayay tayada garsoorka dalka oo cabashooyin aad u badan laga soo gudbiyay, gaar ahaan maxkamadaha gobolka Banaadir oo dhagaysta dacwadaha la xiriira dhulka iyo guryaha la kala haysto.

Isbadalkan ayaa dhacaya xili aanan wali la dhisin Golaha Adeegga Garsoorka oo shaqadiisu tahay soo xulista garsoorayaasha kala duwan ee dalka iyo dabogalka shaqada laamaha garsoorka.

Inkasta oo uu baarlamaanka meelmariyay xeerka adeegga garsoorka, haddana wali lama dhisin guddigan muhiimka ah oo ka kooban 9 xubnood , waxayna tahay in ay xubno ka noqdaan guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiyaha maxkamadda dastuurka oo aan iyada wali la dhisin, guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka oo aan isna wali la dhisin, xeer illaaliyaha guud ama garyaqaanka guud (xubintaas tan ay tahay wali muran ayaa ka taagan oo fasiraado kala duwan ayaa laga bixinayaa tan uu dastuurka qorayo), iyo 4 xubnood oo laga soo xulayo ururka garyaqaanada madaxa banaan.

 

 

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad