Faah faahin Qarax ismiidaamin oo ka dhacay Baydhabo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax noociisa uu yahay Ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan Maqaaxi ku taalla agagaarka Dahabshiil oo aan sidaas uga fogeyn afar irdoodka.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, kaasi oo beegsaday dad ku sugnaa Maqaaxida Barwaaqo oo halkaasi ku taalla.

Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka soo qaaday dadkii ku waxyeeloobay

Ciidamada ammaanka magaalada Baydhab o ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay halkaasi oo ay ka wadaan baaritaanada la xiriira qaraxan iyo sidii ay u soo qab qaban lahaayeen raggii weerarkan ka dambeeyay.

Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed Gen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa warbaahinta Risaala u sheegay qaraxan in ay ku dhinteen 2 qof oo shacab ah, iyo ninkii is qarxiyay.

Wuxuu kaloo sheegay Gen. Mahad in sidoo kale qarxan ay ku dhaawacmeen Afar qof oo shacab ah, oo mid ka mid ah dhaawiciisa uu halis yahay, kuwaasi oo yaalla goobaha caafimaad ee magaalada Baydhabo.

, si ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad