Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Dil Ka Dhacay Degmada Dharkenleey Ee G/Banaadir

Kooxo hubeysan ayaa xalay qeybo ka mid ah degmada Dharkeenley ee gobolkan Banaadir waxa ay ku dishay nin ka mid ah dadka ku nool Xaafada  Dabakaaya Madoow ee Gudaha degmadaas.

Rag bustoolado ku hubeysn ayaa la sheegay in ninkaas oo Magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Cali ku dileen Xaafada Dabakaayo Madoow iyaga oo intas kadib goobta ka baxsadeen sida ay caasimada online u sheegeen  qaar ka mid ah dadka deeganka.

Ninkan ayaa waxaa ka soo baxaya Warar kala duwan waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Iskaashatada Gaadiidka degmadaaas.

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)