Diyaarad Ku Dhacday Qeybo magaalada Muqdisho

Diyaarad Nooca drown-ka ah oo aan duuliyaha laheyn ayaa goordhow ku soo dhacday qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadi

Diyaarada ayaa ku dul dhacday goob banaan ah oo kutaala Xaafada Ceymiska ee Degmadaasi,sida ay  sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in  Guryo ka sameysan Jiingado oo ka agdhawaa goobta ay qaar ka mid ah khasaaro aad u yar ka soo gaaray, Mana jiro wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay Diyaarada drown-ka ee ku dhacday Xaafada Ceymiska ee degmada Yaaqshiid oo ka tirsan degmooyinka magaalada muqdisho

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad