Dhalinyarada sooamlida ku dhaqan Kenya oo qabatay kulan looga soo horjeeday sarkaal ka tirsan ONLF ..

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda   ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu muujinayo sida ay uga xun yihiin maxamed sheikh muse oo ku magic dheer qalbi dhagxax kaasi oo  todobaadkii aynu ka soo gudubney ay dawlada fedraalka soomaliya u gacan galisey  xukuumada itoobiya

Ka soo qayb galayaasha kulankani ayaa ku soo bandhigey dareenkooda ku aadan qadiyadaasi waxaana la arkayay wiilal ku labisan garamaa wajahada hore loogu buufiyay sawirka maxbuuskaasi  iyo gabdhaha oo iyaguna maro cas madax ku xirtey

Masuuliyiintii hadalada ka soo jeedinayay goobta ayaa   baaq loo dirayay   baarlamaanka fedraalka soomaliya  oo la filayo in dhawaan  ay yeelan doonaan fadhi ku saabsan  xariga maxbuus qalbi  maxamed sheikh muse qalbi dhagax  dadkii halkaasi ka hadlayna   waxaa ka mid ahaa suldaan maxamed axmed jimcaale waxaanu ka codsadey baarlamaanka soomaliya in shacabka soomaliyey eed ay sugayaan

Codka suldaan maxamad axmed jimcaale hoos ka dhageyso

 

aadumo  oo sheegtey in ay ka mid tahay hooyooyinka ku nool magaalada muqdisho ayaa sheegtey in ay aad uga xun yihiin  dhacdadaasi

Hooyo Faadumo codkeeda hoos ka dhageyso

Waxgarad faro badan ayaa hadalo ku aadan qadiyadaasi ka jeediyay goobta oo ahayd dugsiga hoose dhaxe ee  NEW ISLII primery school waxay muujiyeen in ay ka xun yihiin shacabka soomkaliyeedna aan laka qaad qaadin

Sarkaal ka tirsanaa ciidamadii hore ee soomaliya oo lagu magacaabo cabdi axmed geele ayaa ka warbixiyay xaaladii dalku ku sugnaa  sanadihii aynu ka soo gudubnay  waxaanu aad u faah faahiyay Geele in ay wax laga xumaado  ay tahay in umada soomaliyeed ayna hada dhaamin gumaysigii hore u haysan jirin mar hadiiba muwaadiniinta soomaliyeed loo gacan galinayo dawlado shisheeye oo aan ognahay in ayna wax naxariisa u haynin dadka soomaliyeed  waxaa kaloo uu shaaca ka qaaday in ay jiraan dad mudan in sharciga la horkeeno

 Sarkaal  Geele Codkiisa hoos ka dhageyso

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)