Dhageyso:-Xildhibaan Zakariye”Dowladda Itoobiya Waa Cadawga Soomaaliya”

Zakariye  Maxamuud Xaajioo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay cadaadis ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo sababtay in Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax lagu wareejiyo.

Waxa uu sheegay in tasi ay uga gol leedahay in ay burburiso Qaranka Soomaaliyeed, hadafkeduna uu arrintas yahay.Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in waayadaan ay Olole xoog leh ku wadeen xubnaha Golaha Shacabka,iyaga oo ka been sheegi jirtay,marnaba aysan ka Go’neyn  Qaranka dhismaha Soomaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa soo ifbaxday kadib markii Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax ay ku wareejisay dowladda Itoobiya,isaga oo xiriir la’lahaa Al-Shabaab.

Halkan hoose ka dhageyso codka

 

 

 

 

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad