(Dhageyso): Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka oo Bilaabay in Mooshinka ka difaacaan Madaxweyne Farmaajo…

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ku aadan in Maalmihii dambe Magaalada ay ku qabsoomayeen kulamo Siyaasadeed oo ay leeyhiin dhinacyo Mucaarad ku ah Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, haddii ay ku milmaan kulamadaasi Siyaasadeed loo baahan yahay in ay ka eegaan Danta Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Cod dheer ku sheegay in Cidna loogu Aaba yeeli doonin in ay soo abaabusho waxa uu ku tilmaamay Mooshin dana gaar ah huwan kaasoo lid ku ah Madaxweyne Farmaajo.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka;-

Ugu Dambeyntii Xildibaan jeesow Waxaana uu hoosta ka xariiqay in haatan wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhaxeyso Dowladda iyo shacabka Soomnaaliyeed.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad