(Dhageyso): Wasaarada Amniga oo War Xasaasi ah Ka Soo Saartay Qarax Ka Dhagay Muqdisho iyo Shaqsiyaadka…

Qarax Miino ayaa ka dhacay Isgoyska km4 ee Magalada Muqdisho qaraxaas oo geystay khasaaro dhimasho ah sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Miinadaan ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in ay la qaraxday caruur garaaceysay,waxana halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah Caruurtaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in Miinadaas ay la qaraxday Caruur ku ciyaareysay gaar ahaan kuwa derbi-jiifka ah isla markaana uu geeriyooday mid ka mid ah Caruurtaas.

Waxa uu sheegay in iyaga iyo masuuliyiin kale ay booqdeen goobtii uu qaraxa ka dhacay isla markaana ay wadaan baaritaano wixii ka soo baxana ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Wasaaradda amniga Warar soo baayay ayaa waxa ay sheegayan in khasaraha qaraxaas uu gaarayo ilaa 4 Caruur ah in kastoo aan Warkaas la xaqiijin.

Halkan Hoose ka Dhageyso Cdka;-

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad