Dhageyso: Muxuu ku saabsanaa kulanka Muhiimka ah ee Maanta dhexmaray RW kheyre & Wakiilka Bankiga Aduunka…

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuurida Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay u qaabilsanaha Geeska Africa ee Bangiga Aduunka Bella Bird.

Kulanka labada Masuul oo ahaa mid xsaasi ah ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid Ahaayeen in dhlinyarada Somaliyeed la siiyo firsado Shaqo, iyaga oo loo abuuryo barnaamijyo kor loogu qaadayo xirfadooda.

Halkan ka dhageyso codka

Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo kulanka Saxaafada u faah faahiyay ayaa sheegay in inta badan labada dhinac isla soo qaaden Shaqaaleysinta Dhalinyarada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho.

Sidoo kale Bella Bird, ayaa amaantay kobaca dhanka dhaqaale oo ay sameysay Sanadkaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, iyo sidoo kale sidii Bangiga Aduunka uu usii wadi lahaa ka qeyb qaadashada Gurmadka loo sameynayo Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad