Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle Oo Caawa Siidaayay Odayaal Ku Xirnaa Jowhar

23, kii  Bishii la soo dhaafay ee Agoosto ayaa Maamulka Hir-Shabeelle Waxa uu Magaalada Jowhar ku xir xiray tira Odayaal ah oo ka qeyb galayay kulan nabadeed lagu dhex dhexaadinayay Beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xariga Odayaashaan ayaa xiligaas waxaa la sheegay in uu amarkeeda lahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen isla markaana ay xirnaayeen mudo bil ah balse waxaa Caawa la sheegay in Odayashaas ay xurriyadooda heleen

Garaad Xaaji Xuseen Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradkii ku howlanaa sideynta Odayaashaas ayaa Wareysi uu siiyay Dalsan u xaqiijiyay siideynta Odayaashaas, waxa uuna sheegay in caafimaadkooda uu yahay mid aad wanaagsan.

 

Waxa uu sheegay Garaadka in isfahamwaa yar uu soo kala dhexgalay Odayaasha balse haatan wixii ka dambeeya in wadahadaladii ay dib u bilaawdaan kuwaas oo xal loogu raadinayo dhincyadii ku dagaalamay Magaalada jowhar.

 

Halkan hoose ka dhageyso codka


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad