Dhageyso:-Koonfur Galbeed”Anaga Iyo Ciidamada Muqtaar Roobow Ayaa Wadna Howlgalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab”

 

Saacadihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Bakool waxa uu dagaal saacado badan qaatay ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa Muqtaar rooboow iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay deegaanada Abal iyo siinaley ee Gobolka Bakool ayaa geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed  Nuuradiin Gacmo oo Wareysi siiyay caasimada online ayaa sheegay in dagaalkas ay qaadeen Ciidamada  Muqtaar Rooboow isla markaana Al-Shabaab looga dilay ciidamo hub farabadana lagu qabsaday sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale uu  sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwo sii socda isla markaana ay si wadajir ah u fulin doonaan Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa daacada u ah Wadaadka Muqtaar Rooboow.

Hoos ka dhageyso Codka:


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad