Dhagayso: Madaxda DFS & Culimada oo ku heshiiyay in Shabaab laga habaaro masaajidyada…

Madaxda DFS & Culimada Muqdisho ayaa ku heshiiyay in si wadajir ah loola dagaalamo Kooxda Shabaab kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe.

Dad ka badan 330 qof ayaa ku dhintay qaraxaas halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 400 oo ruux, dadka dhintay ayaana ahaa shacab ubadan dhalinyaro, dumar iyo waayeel.

 

Hoos ka dhagayso Codka:

sh Cali Dheere oo kamid ah wasaarada garsoorka dalka ayaa sheegay in madaxda dalka ay ku heshiiyeen in kooxda Shabaab laga habaaro dhamaan masaajiyada salaada kadib.

Waxaa uu tilmaamay iney alla ka baryayaan inuu ka dulqaado dhibaatada ay kooxda Shabaab ku hayso shacabka.

Madaxda DFS ayaa shacabka magaalada Muqdisho kala qeyb galay banaanbaxii ugu balaarnaa kaas oo looga soo horjeeday xasuuqii ka dhashay qaraxii Zoobe.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad