DEG DEG;-Qarax Goordhoweyd ka dhacay Degmada Karaan Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Khasaaraha Uu…

Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu xalay ka dhacay Nawaaxiga xarunta Degmada.

Qaraxa ayaa ku jiray haan lagu sii diyaariyay, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir xili dadka ay Jiifeen.

Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal usheegay in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaala nawaaxiga Xarunta Degmada Kaaraan, Waxaana goobta durbadiiba gaaray Ciidamo katirsan kuwa Nabad Sugida Somaliya oo guriga ka sameeyay baaritaano la xiriira waxa uu ahaa qaraxa iyo sida lagu keenay guriga.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Degmada Kaaraan ayaa inoo sheegay in howlgal guriga laga sameeyay lagu soo qabtay Ninkii iskalahaa guriga qaraxa ka dhex dhacay, Waxeyna la aadeen xarumaha ay wax ku baaraan.

Lama soo sheegin wax Khasaare ah oo ka dhashay qaraxa ka dhacay Xalay Waqooyiga Magaalada Muqdisho maadaama guriga uu ahaa mid laga maqanyahay.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad