DEG DEG;-Masuul Ka Tirsan DF Oo Goordhoweyd dhaawacay Meel u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya…

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxaa xalay Magaalada Muqdisho lagu dhaawacay mid ka mid ah Agaasime Waxeedyadda Wasaaradda.

Ninka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Ciidamo ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Agaasimaha xilli uu marayay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya siada ay  sheegayaan wararka.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa barteeda Facebook ku soo qortay in lagu soo wargeliyay dhaawaca Agaasime C/llaahi, ayna u rajeyneyso in Alle bogsiiyo.

Dhowr xabadood ayaa kaga dhacday Xabadka, waxaana la geeyay mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladiisa caaimaad.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad