DEG DEG;-Gaari Qarax Ka Buuxo Oo Goordhoweyd Lagu Qabtay Magaalad iyo Darawalkii Wadey..

Illo sirdoonka Gobolka Banaadir ka tirsan ayaa inoo sheegay iney Ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen gaari nuuxa raaxada oo lagu soo xiray walxaha Qarxa.

Gaariga ay ruuxii waday ayaa lagu qabtay isgoyska baar u bax ee magaalada Muqdisho halkaasi oo Ciidamada xasilinta fariisin ay gaadiidka ku baaraan ku leeyihiin.

Mid ka mid ah Saraakiisha Nabad sugida Gobolka Banaadir oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay jiritaanka warkaan,isagoona ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah naga siiyo.

Wuxuuna sheegay in baaritaanka ka dib loo soo bandhigi doono warbaahinta iyadoona ninka darawalka uu doonayey in uu weeraro Goob Muhiim ah.

Ciidamada Amaanka ayaa feejignaan dheeraad ah maalmihii u danbeeyay la geliyay,waxaana laga cabsi qabaa in weerar Qaraxyo ay Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad