DEG DEG;-Dil Naxdin leh Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Warar Sheegay in Shaqsiga..

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa galabta ku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir askari ka tirsanaa ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka buundada Anzalooti, iyadoo askariga la dilay magaciisa lagu soo gaabiyey Juuni.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowlada oo goobta ka dhowaa ayaa la sheegay iney ceyrsadeen raggii dilka geystay, waxaana dhexmartay israsaaseyn khal khal ku abuurtay dadka degaanka.

Masuul ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ayaa Badweyn.com u xaqiijiyey in ciidamada amaanka ay markii dambe qabteen saddex nin oo la sheegay iney ka dambeeyeen dilka askarigan, haatana ay ku jiraan xabsiga.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaan jiray ilaalada gaarka ah guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal), isagoo dhowaana ku biiray ciidanka dharcadka ah ee NISA.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad