DEG DEG Daawo:Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo si kulul u weeraray dadka u doodaya C/kariin Qalbi Dhagax hadana bahdilay madaxda

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada jahwareerka dhalisay ee dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Soomalaida Itoobiya ee ESTV waxaa uu ugu horeyn ka hadlay cida uu yahay C/kariin Qalbi Dhagax, isagoo sheegay inuu yahay nin u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uu dambi ka galay, isagoo xusay in arrintiisa ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya

C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan.  waayo, waa nin deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, C/kariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

 

 

 


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)