DEG DEG;-Ciidamadda Dowladda oo Gacanta Ku Soo Dhigay Nin Tuug ah Kaasi Si Cajiib ah Dadka u Dhici Jirey!

Maamulka Degmada Kaaraan ayaa Xalay gacanta ku soo dhigay Wiil, kaasi oo si Tuuganimo ah Shacabka kaga dhacayay Mobile-lada iyo Lacagaha ay sitaanba.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu Wiilkaasi Tuugga ah uu Dadweynaha ku dhici jiray Qoray Macmal ah oo ka sameysan Alwaax iyo biro la isku kab kabay, kaasi oo loo ekeysiiyay Qoriga AK 47.

Guddoomiyaha Degmada Kaaran Abdulfatah Nuur Cali oo ka hadlay goobtii lagu soo bandhigay Wiilkaasi Tuugga ah iyo waxyaabaha uu Dadka ku dhici jiray.

Ciidamada Ammaanka ee Degmada ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo Wiilkaasi oo Dadweynuhu ay khaati ka joogeen, isagoo intaasi raaciyay in loo gudbin doono Hey’adaha ku shaqada leh Dacwadiisa.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad