(Daawo Muuqaal);-Ninkii Saaka isku Qarxiyay Gen,kaahiye oo La Aqoonsadey Iyo Kooxda Shabaab oo Bandhigay Sawir+ Magaca

Ismiidaamiye Maxamad Nuur Guutaale uu 3-dii Maalin ee la soo dhaafay si joogta ah u imaanayay Barxadda Dugsiga Booliska Gen Kaahiye, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil Boolis ah iyo Dadka Deegaanka, Waxaana uu ka mid ahaa Dadwayne u badan kuwa dagan agagaarka Dugsiga oo Safaf ka soo gali jiray Barxadda Toogashadda si ay halkaas uga daawadaan Gaada Ka Cayaarka Booliska isku diyaarinayay Munaasibadda 20 December.

Saaka ayuu yimid Ismiidaamiyuhu isagoo ka duwan Subaxyadii hore, xirana Dharka Kaakiga ah ee Ciidanka Booliska, iskuna soo xiray Qarax, waxaana uu soo istaagay halkii uu soo istaagi jiray, kadibna indha indhayn kadib waxa uu si fudud ku soo dhex qaaday Ciidankii ku jiray Diyaargaroowga, isagoo kadibna bartankooda isku qarxiyay.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka;-


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ad