Ciidanka Nabad Sugida Jubaland oo Xabsiga u Taxaabay Wariye Ka Howgala Magaalada Kismaayo..

Ciidamada amaanka Maamulka Jubaland ayaa xabsi ku yaala Magaalada Kismaayo ku xiray Wariye Saabir Cabdiqaadir Nuur (Honest) oo kamid ah Suxufiyiinta ugu firfircoon Jubaland.

Wariyaha ayaa Xalay ku hoyday Xabsi ku yaala Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubaland, Waxaana socda dadaalo la doonayo in dib xoriyadiisa lagu siiyo.

Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Jubaland ayaa Saabir Cabdiqaadir Nuur Duhurnimadii Shalay ka kexeystay Goob ay ka socotay Munaasabada Sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, Wariye Honest ayaa markaa Su’aalo weydiinayay qaar kamid ah dadkii Munaasabada Joogay.

Cabdi Qaadir Nuur oo ah Aabaha dhalay Wariyaha ayaa Mustaqbal usheegay inuusan garaneyn sababta loo xiray Wariye Honesta, balse ay ogaadeen inuu Wiilkooda xabsiga ku jiro.

Jubaland ayaan wali ka hadlin Xariga ay ugeysteen Wariyahan Wakiil u ahaa Tv-ga Af Somaliga ku hadlo ee Somali Cable Xafiiskiisa Magaalada Kismaayo, Ciidamada Nabad Sugida Jubaland ayaa dhowr jeer oo hore xiray Wariyahan, Waloow markii danbe ay soo daayeen.


Xafiiska Shabakada Caasimada24.com
Muqdisho Somalia
Caasimadamedia@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ad